Featured, Arrimaha Siyaasada
Kheyre Oo Guddoomiyey Shirka Amniga Dhuusa-mareeb
Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug waxaa xalay ka dhacay kulan looga hadlyay Amniga Magaaladaas iyo qorshaha ay iskula falgali karaan ciidamada isku dhafka ah ee lagu wareejiyay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shir gudoomiyay kulanka waxa uu sheegay in mas’uuliyadda sugidda Amniga Galmudug ay saaran tahay guud ahaan shacabka iyo Ciidamada ku sugan.
Askarta la isku dhafay ee lagu wareejiyay sugidda Amniga waxa uu faray in ay kasoo dhalaalaan waajibaadka ka saaran Xasiloonida iyo la shaqeynta shacabka.
Kheyre ayaa ciidamada amray in aysan dhayalsan sugidda Amniga, maadaama lagu guda jiro Dhismaha oo ugu horeeyo Shirka dib u Heshiinta Beelaha Galmudug, Xulista Baarlamaanka Cusub iyo Doorashada Hogaanka Maamulkaas.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Ciidamada kala hadlay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa Deegaanno dhaca Galmudug.
Si gaar ah waxa uu kula dardaarmay in ay sugaan Amniga Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb oo ah Marinta ugu badan ee wufuudda tageysa Xarunta Galmudug, goobaha lagu qabayo Shirka dib u Heshiinta iyo Doorashada.
Recent Comments