Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Kheyre Oo La Kulmay Waxgaradka Bakool
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo Magaalada Xudur kula kulmay maamullada degmooyinka Gobolka Bakool iyo Odayaasha dhaqanka , ayaa ka xog wareystay xaladaha ku xeeran dhammaan Degmooyinka Gobolka Bakool.
Maamulladda iyo odayaasha oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay booqashada uu ku tagay gobalka Bakool ayaa la wadaagay baahiyha ay qabaan bulshada gobalka ee u baahan in si deg deg ah wax looga qabto si deegaanku u gaaro horumar iyo barwaaqo.
Gudoomiyaasha degmooyinka Xudur, Rabdhuure iyo Tigyow oo ah degmooyinka ay Maamulaan Koofur Galbeed ayaa Ra’iisul wasaaraha ka dalbaday in bulshada ku nool deegaanadaasi ay helaan Adeegyada Aasaasiga ah sida Amaanka ,Waxbarashada iyo Caafmaadka.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo maamullada degmooyinka iyo odayaasha dhaqanka ee kulanka uu la qaatay uga war bixiyay qorshaha socodka uu ku yimid gobalkaan Bakool iyo guud ahaan deegaannada dowlad gobleedka Koofur Galbeed, ayaa u sheegay in dowladdu ay wax ka qaban doonto baahiyaha jira ee caafimaad, waxbarasho iyo amni.
Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha, odayaasha dhaqanka iyo maamullada ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo qaar kamid ah xildhibaannada deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.
Magaalada Xudur ee Caasimada Gobolka Bakool ayaa mid ah meelaha ay Al shabaab Go’doomiyeen waxaana Magaaladaasi laga gala soo galaa loogana baxaa dhanka Hawda oo ah halka kaliya oo u furan Degmada Xudur.
Recent Comments