Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Kheyre Oo Wareejiyey $150,000 Si Loogu Dhiso…

Posted: September 9, 2019 at 8:10 am   /   by   /   comments (0)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa wareejiyay lacag lagu dhiasyo Garoonka Kubadda Cagta Dr. Ayuub ee Magaalada Baydhabo.

Lacagtaan oo dhan Boqol iyo konton Kun oo Doolar ($150,000) waxaa la wareegay Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, si dhismaha Garoonka loo bilaabo.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo shalay ballanqaaday lacagta lagu hagaajinayo Garoonka Dr. Ayuub oo ah halka lagu soo dhaweeyay, waxa uu sheegay in dhalinyarada uu muhiim u yahay jiritaanka Garoonkaan.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Garoonka Kubadda Cagta Dr. Ayuub in ay kasoo baxaan dhalinyaro leh Xirfadda Kubadda Cagta, si ay dalka ugu matalaan Ciyaaro Caalami ah.

Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed waxa uu ka dalbaday in ay il gaar ah ku hayaan garoonkaan oo ay kasoo bixi karaan Ciyaartoy ku matasha Koobka Dowlad Goboleedka.

Wasiirka Ciyaaraha Maamulka Koofur Galbeed Cali Dhuux, mahad celin kadib waxa uu shacabka Baydhabo ugu baaqay in ay ka faaideystaan Garoonka Kubadda cagta Dr. Ayuub.