Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Ku dhawaad 20 qof oo lagu dilay Gobolka Cafarta Itoobiya

Posted: October 15, 2019 at 6:41 am   /   by   /   comments (0)

Ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay halka  34 kale lagu dhaawacay kaddib markii Ciidamo wata Dharka Ciidanka Difaaca Jabuuti iyo Booliska Ismaamulka Soomaalida ay weerareen dad Cafar ah oo ku sugnaa degaanka Afambo ee Gobolka Cafarta.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Haween,Caruur iyo Dad da’ ah,waxaana dadka degaanka ay sheegeen in Ciidamada isku dhafka ahaa ee weerarka geystay ay adeegsadeen Hoobiyayaal, Bambooyin iyo qoryaha daran dooriga u dhaca.

Xuseen Cali oo Guddoomiye degmo ka ah Gobolka Cafarta ayaa VOA-da qeybteeda afka Axmaarada u sheegay in dadka la dilay ay ku jiraan Afar Haween ah iyo cunugyar oo 6 bilood kaliya jiray.

Dhacdadan ayaa la xiriirta dhacdo hore oo lagu dilay 14 qof oo Soomaali ah kuwaas oo ay dileen Ciidamada Ismaamulka Cafarta,waxaana sidoo kale lagu eedeeyay Cafarta in ay dhulboob ka wadaan Gobolka Siti ee Soomaalida.

Dowladda Jabuuti ayaa iska fogeysay in Ciidankeeda difaaca ay ku lug yeesheen dagaal qowmiyadeed ka socda Gobolka Cafarta Dalka Itoobiya.

Sidoo kale Afhayeenka u hadlay Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa beeniyay in Ciidamada difaaca Jabuuti ka gudbeen sohdinta weerarna ka geysteen halkaas.

Korneyl Itoobiyaan ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Tesfaye, ayaa sheegay in xiriir aad u weyn uu ka dhaxeeyo dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti iyo sidoo kale labada ciidan,waxaana uu been abuur ku tilmaamay wararka lagu baahiyay baraha bulshada ee sheegaya in Ciidanka Jabuuti ka gudbeen sohdinta dad rayid ahna ku laayeen gudaha Gobolka Cafarta.

Ismaamulka Soomaalida wali dhinacooda kama hadlin dhacdadii ugu dambeysay ee lagu laayay dadka Cafarta ah laguna eedeeyay in ay ka qeybqaateen Ciidan xirnaa dharkooda.

Dagaalka ka soo cusboonaaday Cafarta iyo Soomaalida ayaa salka ku haya dhul ay leedahay Soomaalida oo xilligii Cabdi Maxamuud Cumar lagu daray ismaamulka Cafarta hayeeshee maamulka hadda jiraa doonayo in dhulkaas lagu soo celiyo ismaamulka Soomaalida.