Featured, Arrimaha Siyaasada
Kulankii Aqalka Sare Oo Maanta u Baaqday….
Xubnaha Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa lagu waday in ay maanta yeeshaan mid ka mid ah Kulamadooda Golaha ee Caadiga ah.
Xildhibaannada oo ay ahayd in kulankoodu uu furmo 9:00Am subaxnimo ayaa waxaa uu gaaray ilaa 12:30 PM Duhurnimo.
Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ka careysnaa kooran la’aanta uu kulanka u baaqday ayaa waxaa uu ku hanjabay in Xildhibaannada ka maqnaada fadhiyada lala xisaabtamayo.
Waxaa uu Cabdi Xaashi Cabdullahi sheegay in maanta kaddib xildhibaankii ka maqnaada kulanka Golaha aqalka sare warqad laga soo dhejinayo lana sheegayo in uu kulanka ka maqanyahay.
Fadhiga Golaha aqalka sare ayaa waxaa uu ku furmayaa 29 Xildhibaan,waxaana kulankii maanta xaadiray 28 xildhibaan, taas oo qasabtay in uu dib u dhoco fadhigii maanta.
Ajendaha kulanka golaha aqalka sare ee maanta ayaa waxaa ka mid ahaa;
1. Akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Shidaalka(Batroolka)
2. Akhrinta 3aad ee Sharciga Xuquuqda Siyaasiinta Dowladda.
Golaha aqalka sare ayaa waxaa uu ka koobanyahay 54 xubnood oo kali ah iyada oo mararka qaar ay dhacdo in Xildhibaannada qaar aysan ka qeybgelin kulanka taasina qeyb ka tahay baaqashada kulamada uu yeelan lahaa Golaha aqalka sare.
Recent Comments