Featured, Sport
Kulmada Caawa Ee Wareegga 16-ka Qaramada Africa, Finalka Copa America Iyo Finalka Koobka Adduunka Ee Dumarka

Tartankan koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019 ayaa si habsami leh uga socda Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar oo sanadkan iyagu ay marti-gelinayaan tartankan.
Waxaa la isla soo gaaray wareegiisa 16-ka koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019, iyadoo caawa la ciyaari doono 2 kulan ka tisran, waxaana is arki doona xulalka kala ah Madagascar Vs DR Congo iyo sidoo kale Algeria vs Guinea.
Haddaba Eeg Kulamada laga ciyaari doono caawa wareega 16-ka Koobka Qarammada Afrika 2019, iyo saacadaha ay soo galayaan:-
7: 00 Habeenimo: Madagascar Vs DR Congo.
10:00 Habeenimo: Algeria vs Guinea.
Dhinaca kale waxaa caawa la ciyaari doonaa kulanka finalka Copa America 2019, iyadoo ay ku wada ciyaari doonaan xulalka Brazil Vs Peru.
11:00 Habeenimo: Brazil Vs Peru.
Halka sidoo kale maqribnimada maanta la ciyaari doono kulanka finalka Koobka Adduunka Dumarka ee 2019, waxaana wada ciyaari doona xulalka Gabdhaha USA Vs Netherlands.
6:00 Maqribnimo: USA Vs Netherlands.
Recent Comments