Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Lafta-gareen Oo La Kulmay Xubno Ka Socday QM
Madaxweynaha Dowlad Goboleedla Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaaladda Baydhabo kullan kula qaatey Wafdi ka socoday Qaramada Midoobay Iyo Dowladda Fedaralka Soomaaliya oo Baydhabo gaarey .
Wafdigan isgu jira Wakiilka Qaramada Midoobay Uqaaabilsan Arrimaha tacadiga Ka dhanka Haweenka Goobaha Dagalada Ka socodaan iyo wasiiradda Haweenka Xuquuqul insaanka Dowladda Fedaralka soomaaliya ayaa Maanta garey Magaalada Baydhabo.
Wafdigaan waxa ay kulan la qaateen Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen , Waxana Kullanka qeyb ka ahaa wasiirada wasaradaha Qorsheenta , Gar gaarka Maareynta iyo Masiibooyinka, Cadaaladda Iyo Garsoorka , Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Koofur Galbeed iyo Mas’uuliyiin kale.
kullanka Ka dib warfidiyeenka ayaa si wada jir ah ula hadleen , Waxaana ugu horeen Halkaasi ka hadley Wakiilka Qaramada Midoobay Uqaaabilsan Arrimaha Dacadiyadaha Ka dhanka Haweenka Goobaha Dagalada Ka socoda pramilla patten iyo wasiiradda Haweenka Xuquuqul insaanka Dowladda Fedaralka Soomaaliya Deeqa yaasiin, Waxana ay sheegen Ujeedka ay usoo gaareen Magaalada Baydhabo, in ay tahay sidii dowlad Goboledka KGS ugala shaqeyn lahaayeen horumarminta Arrimaha Haweenka iyo doorkooda Maamulka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa waxaa uu sheegey in Kullanka ay la qaateen wafdiga Ka socoda Qaramada Madoobey iyo DFS,ay kawada hadleen sidii haweenk udub dhaxaad ugu noqon lahayeen Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Recent Comments