Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ma Dhabbaa In La Dilay Hoggaamiyahii Daacish?

Posted: October 27, 2019 at 11:00 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in weerar ay ka fulisay Gobolka Xalab ee dalka Syria ay ku dishay hoggaamiyihii Ururka Daacish Abuu Bakar Al Baqdaadi.

Saraakiil ka mid ah Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay in kalsooni buuxda ay ku qabaan in weerarkaas ku dhintay hoggaamiyaha Daacish.

Xubno ka mid ah Wasaaradda ayaa aqalka cad u gudbiyay arrintan waxaana lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu Madaxweynaha Mareykanka ka soo saaro war rasmi ah.

Trump oo si horudhac ah u xaqiijiyay sheekadan ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray “wax weyn ayaa imika dhacay”.

Dhowr jeer oo hore ayey dowladda Mareykanku sheegtay in ay dishay hoggaamiyahya Daacish hayeeshee markastaba waa uu ka daba hadli jiray isaga oo duubi jiray xajalado maqal iyo muuqaal ah.

Mareykanka ayaa Jimcihii weerar uu ka fuliyay Buuraleyda Goolis ee Soomaaliya ku sheegay in uu ku dilay saddex ka mid ah Ururka Daacish.

Hayeeshee dadka Magaalada Iskushuban ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in saddex qof oo rayid ah la la’yahay loona maleynayo in ay ku baxeen gacanta Mareykanka.