Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Dhisay Waddooyin Muhiim u Ah Isku Socodka Dadweynaha (Sawirro)

Posted: June 30, 2019 at 8:30 am   /   by   /   comments (0)

Tan iyo wixii ka dambeeyey burburka dalka, waxaa jiray caqabado badan oo dhanka waddooyinka magaalada Muqdisho ah, maadaama dhammaan wadooyinku ay ku burbureen dagaalladii sokeeye ee magaalada ka dhacay.

Dowladihii kala dambeeyey ee dalka soo maray ayaa mid walba waxa ay sameysay dedaal u gaar ah, kaasi oo ku aaddan sidii loo dhisi lahaa waddooyinkan.

Maanta oo Axad ah, madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa xarigga ka jaray waddo laami ah oo dhowaan uu dhisay maamulka gobolka Banaadir.

Wadadan ayaa isku xirta degmooyinka C/casiis iyo Shangaani ee gobolka Banaadir, iyadoo markii hore ay aad u bur-bursanaayeen.

Munaasabaddan uu madaxweynaha xarigga kaga jarayey waddooyinkan waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa duqa Muqdisho, C/raxmaan Yariisow iyo dadweyne badan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda dhexe ay xilli walbo diyaar u tahay dib u dhiska dalka, wuxuuna shacabka ka codsaday in kaalintooda ay qaataan.