Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Oo Ka Qeybgalaya Shirka Golaha Guud Ee QM

Posted: September 8, 2019 at 7:40 am   /   by   /   comments (0)

Maadxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sanadkan Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka uga qeybgalaya shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Newyork waxaa shaaciyay Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ku sugan Magaalada Baydhaba.

Ka qeybgalka Madaxweynaha ee shirka guud ee Qaramada Midoobey waxaa ay ku soo beegmeysaa iyada oo uu Madaxweyne Farmaajo 1dii August ee sanadkan iska celiyay dhalashada Mareykanka.

Labadii Sano ee ugu dambeeyay Madaxweyne Farmaajo waxaa shirkaas ku matalayay Ra’sialwasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirkiisa arrimaha dibadda.

Sanadkii 1aad ee 2017kii Waxaa shirkaas Soomaaliya uga qeybgalay isaga oo Madaxweynaha Wakiil ka ah Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Sanadkii 2aad ee 2018 waxaa Madaxweynaha ku matalay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Shirka 74aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa uu furmayaa 17ka Bishan,waxaana uu soconayaa ilaa 30ka Bishan September.