Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynayaal hore oo loo diiday in ay ka dhoofaan Muqdisho.

Posted: November 10, 2019 at 9:09 am   /   by   /   comments (0)

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo mudane Shariif  Sheekh Axmed oo ku sii jeeday Magaaladda Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu xanibay Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Muqdisho ee Aadan Cadde.

Saraakiil ku sugan Aadan Cadde ayaa  sheegay  in amar ka soo baxay Dowladda Faderaalka Soomaaliya lagu xanibay diyaaraddii Wafdiga madaxdan u qaadi lahayd Magaaladda Baledweyne.

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed wasiirkii hore ee Ammaanka Qaranka ayaa sheegay in wafdiga Madaxweynayaashii hore oo xilligan ku sugan qeybta VIP-da garoonka loo diidan yahay safarkooda Beledweyne, isla markaana ay tahay arrin la siyaasadeynayo sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan ayaa intaasi ku daray in sababaha loogu hor-istaagay ay tahay safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Beledweyne, si aanay Madasha Xisbiyada Qaran uga hormarin Beledweyne.

“Labada Madaxweyne safarkooda gurmadka Beledweyne ee maanta waa loo diidan yahay in ay garoonka ka dhoofaan, maamulka Garoonka, waxay leeyihiin ma bixi kartaan amar ayaa heysanaa, markaa weydiinay waxay na dhaheen Madaxweyne Waare iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa bixi raba oo beledweyne aadaya”ayuu sheegay Xildhibaan oo hadlay warbaahinta.

Ra’iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sidoo kale Maanta lagu waday in ay gaaraan Magaalada Baledweyne, oo ay saamayn badan ku yeesheen fatahaadaha Wabiga Shabeelle wallow uu safarkoodii iyagana dib u dhacay.

Ugu dambeyn, madaxdii hore ee dalka ayaa la fasaxay saacado ay xayirnaayeen awgeed, iyo sidoo kale in Kheyre uu baaqday.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dhowaan ku dhawaaqay in ay ugu deeqeen gurmadka fatahaada Wabiga lacag gaareysa $200,000 oo dollar, isla markaana magacaabay Guddiga Gurmadka fatahaada Beledweyne.

Sidoo kale waxaa horey gudiyo ka shaqaynaya Gurmadka Fatahaadaha u magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle iyo Kan Koofur Galbeed Soomaaliya.

Siyaasiyiinta ka aragtida duwan Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaliila Xukumada Soomaaliya in ay maamulka hawada u adeegsanayso hub siyaasadeed oo ay ku cadaadiso hadba ciddii ay u aragto in ay ka aragti duwan tahay.