Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Weerarkii Al-shabaab Ee Kismaayo

Posted: July 13, 2019 at 5:24 am   /   by   /   comments (0)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay Magaalada Kismaayo.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu amray Hay’adaha ammaanka in ay sare u qaadaan sugidda ammiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xukuumadda faray in si degdeg ah ay u soo qiimeyso dadkii ku dhaawacmay weerarka, si dadka aan dalka wax looga qaban Karin Xaaladooda loogu raadiyo Caafimaad dibadda ah.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa shacabka Jubbaland ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Midnimada, Wadajirka iyo la shaqeynta Laamaha amniga, si uu sheegay in in loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaanada Jubbaland.

Deegaanada Jubbaland waxaa la filayaa bisha soo socota August in ay ka dhacdo Doorashada Dowlad Goboleedka Jubbaland.