Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha D.Goboleedyda

Posted: September 22, 2019 at 8:01 am   /   by   /   comments (0)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu Madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay Madaxweynayaashs Dowlad Goboleedka qaarkood.

Kulanka oo casho sharaf ahaa ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynayaasha Hirshabeelle, Koofur Galbeed,Galmudug iyo Duqa Muqdisho, waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Villa Soomaaliya ayaa u qornaa:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa casho sharaf u sameeyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo soo gaaray Caasimadda, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxweynaha iyo masuuliyiintan heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, amniga iyo in wadajir loogu sii amba-qaado dadaallada dib u dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoreynta deegaannada ay argagixisadu Alshabaab ku dhibaateeyaan shacabkeenna.

Dhammaan Madaxda Qaranka ee caawa kulankan yeeshay ayaa isla qiray muhiimadda wadashaqeynta masuuliyiinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo ilaalinta danta guud ay u leedahay xaqiijinta himilooyinka shacabkeenna Soomaaliyeed ee ku hamminaya dib u soo celinta maqaamkii dalkeennu uu ka lahaa caalamka.