Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Eedeyn u Jeediyey DFS

Posted: July 7, 2019 at 11:21 am   /   by   /   comments (0)

Madaxweynaha Somaliland iyo waftigii uu hogaaminaayey  ee safarka ugu maqnaa dalka  Gini ayaa maanta Somaliland dib ugu soo laabtey isla markaana si balaaran Hargeysa loogu soo dhaweeyey.

Madaxweyne Biixi ayaa safarkaasi faah faahin dheeraad ah ka bixiyey  islamarkaana waxaa uu si kulul uga jawaabey hadalkii dawlada Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dowladda Gini xilli uu safar ku joogay dalkaas.

Madaxweynaha Somaliland iyo waftigii uu hogaaminaayey  ee safarka ugu maqnaa dalka  Gini ayaa maanta Somaliland dib ugu soo laabtey isla markaana si balaaran Hargeysa loogu soo dhaweeyey.

Madaxweyne Biixi ayaa safarkaasi faah faahin dheeraad ah ka bixiyey  isla markaana waxaa uu si kulul uga jawaabey hadalkii dawlada Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dowladda Gini xilli uu safar ku joogay dalkaas.

Waxa uu sheegay in markii ay tageen,isaga  iyo wafdigiisa dalka Gini si weyn loosoo dhaweeyay,isla markaana warka kasoo yeeray Dowladda Soomaaliya uu yahay mid la iska yiri oo wax macnaa laheyn Somaliland.

“Runtii warka kasoo yeeray dowladda Soomaaliya waa mid leyska yiri, dowladda Xamar ee AMISOMta ilaaliso, waxaana leeyahay anaga manihin Maamul Goboleed, wadamo badan ayaan tageynaa kuwo kalena horay ayaan u tagnay ayuu yiri” Madaxweyne Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomaaliland aysan marnaba u dulqaadan doonin qorsha ay wado dowladda Soomaaliya,isla markaana tallaaba kasto ay qaadeyso oo ku ilaashanayso Madax banaanideen sida uu hadalka u dhigay.