Featured, Arrimaha Siyaasada
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Colaadda Sanaag
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay colaadda Sanaag, wuxuuna sheegay in nabad lagu soo dabaali doonno.
Biixi ayaa sheegay in hadda ay socdaan dedaallo badan oo wax walbo nabad looga dhigayo, waxgaradkuna kaalin mug leh ka qaadanayo.
“Colaadda hadda nabad ayeey ku dhammaaneysaa, waxgaradkii ayaa wada dedaal, waxaana rajeeneynaa in is faham la gaaro”
Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Sanaag, in ay isdejiyaan, wax walbana nabad lagu dhammeyn doono.
Jabhadda Korneel Caarre iyo ciidanka Somaliland ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku dagaallamay deegaanno hoostaga magaalada Ceerigaabo.
Recent Comments