Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Maleeshiyaad Ku Dagaallamay Balanbal Oo La Kala Qaaday

Posted: September 15, 2019 at 8:50 am   /   by   /   comments (0)

Ciidamada Xoogga dalka gaarahaan qaybta 21 aad ayaa ku guulaystay qaboojiyay xiisad colaadeed oo ka taagneed degaanno hoos taga Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadan oo isgu jira CXD qeybta 21-aad iyo NISA ayaa gaaray degaannada Oodaale iyo Xersi Lugeey, iyagoo kala dhex galay Labad Beelood ee ay halkaasi xurfufta ku dhex martay.

Taliyaha guutada 15 aad qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga dalka Generaal Masuud Maxamed Warsame oo ka warbixiyay deegaanada Ciidanku gaareen ayaa sheegay in ay kala qaadeen Maleeshiyaadkii deegaanadaasi isku horfadhiyay.

Taliyaha ayaa sheegay in ay soo qoreen Warbixin ku aadan deegaanada uu dilku ka dhacay ayna gaarsiidoon Madaxda Dowlada Soomaaliya ee ku sugan Dhuusamareeb iyo Madaxda dhaqanka, sidoo kale ay saraakiil Ciidan u xilsaareen Nabad galyada deegaanada Colaadu ka dhacday sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa kulammo la qaatay Odayaasha iyo wax garadka kasoo kala jeeda degaannadaasi, waxaanay u sheegeen in aan la oggoleyn in ay halkaasi ka dhacdo dirir sokeeye Dhiig dambana uu ku daato macna darro.

Odayaasha iyo waxgaradka degaannadaasi ayaa soo dhoweeyay Ciidamada qalabka sida iyo Saraakiisha hoggaamineysaba, waxanay u sheegeen in ay diyaar u yihiin in Dowladdu ay ka howl-gasho halkaasi, si xal loogu helo dilalka macna darrada ah, waxanay a dhinacooda ballan qaadeen in ay xoojinayaan nabad gelyada guud.

Dagaal dhawaan ka dhacay deegaanka hoosta degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ku nafwaayay in ka badan 5 ruux oo ka soo kala jeeda Maleeshiyaadkii dagaalamay.

Dagaalka beelahaan wada daga deegaanada Hoostaga Balanbal iyo Guriceel ayaa noqday mid aan dhamaad laheen waxaana sidaan oo kale mararbadan loo dhex dhigay dib u heshiisiin hadana laguma guulaysan in gabi ahaanba la soo afjaro.