Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Maraykanka Oo Digniin Adag u Diray Kenya

Posted: November 4, 2019 at 8:12 am   /   by   /   comments (0)

Wargeyska Washington Post ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa daabacay warbixin dheer oo uu uga hadlayo howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab ee ay Ciidamada Kenya ka wadaan Koofurta Soomaaliya iyo Gobolka Soomaalida ee ay maamusho Kenya.

Warbixinno laga dhegeystay dadka degaanka, xubnaha Baarlamaanka Gobolka Soomaalida ee Kenya iyo marqaatiyayaal la wareystay ayaa xaqiijiyay in shacabka ku dhaqan Gobolkaas ay Ciidanka Kenya aad uga cabsadaan marka loo bar bardhigo Al-shabaab.

Dadka la wareystay ayaa sheegaya in Ciidanka Kenya ay argagixiso la dagaallamayaan iyagana argagixinayaan dadka rayidka ah.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa uga digay Ciidamada Kenya ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ka wada Gobolka in ay ku kacaan dambiyo dagaal.

Waxyaabaha lagu eedeeyay Ciidamada Kenya waxaa ka mid ah in ay dab qabadsiiyaan guryaha dadka, Ceelasha biyaha ka duugaan islamarkaana dadka ku qasbayaan in ay barakacaan.

Desiree Frame, oo ah Afhayeenadda Howlgalka Mareykanka ee Afrika ayaa ka digtay in Mareykanka uu il gaar ah kula socdo dhaqdhaqaaqyada Ciidamada Kenya ee ku sugan Koofurta Soomaaliya iyo Gobolka Soomaalida ee Kenya.

Desiree Frame, waxaa ay sheegtay in Mareykanka uu tababaro Ciidamada Kenya, qalabeeyo islamarkaana siiyo taageero xoog leh oo ay siddeeddii sano ee ugu dambeysay ku siineysay dagaalka AL-shabaab.

Afhayeenadda Ciidanka Mareykanka ee Afrika Desiree Frame ayaa sheegtay in gudaha Kenya ay Mareykanka ka joogaan 200 Askari kuwaas oo tababara Ciidamada Kenya islamarkaana siiya taageero kala duwan.