Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Maraykanka Oo War Kasoo Saaray Duqeyn Ka Dhacday Jilib

Posted: December 1, 2019 at 5:52 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Mareykanka ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar duqeyn ahaa oo ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe.

War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday shalay gelinkii dambe ay baarayaan khasaaraha ka dhashay.

Sida caadiga ah Mareykanka marka uu fuliyo duqeyn waxaa uu sheegi jiray in uu ku dilay xubno ka mid ah Al-shabaab sidoo kalena aysan ku dhiman dad rayid ah.

Hase ahaatee duqeynta shalay ka dhacay Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Hoose ayuu Mareykanku sheegayaa in ilaa hadda uusan heyn khasaaraha ka dhashay islamarkaana uu baaritaan ku hayo wali.

Dowladda Mareykanka ayaa saddexdii sano ee ugu dambeysay sare u qaadday Weerarrada ka dhanka ah AL-shabaab iyo Daacish ee ka dhacayay bartamaha iyo koofurta Soomaaliya iyo Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari ee Puntland.