Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Mareykanka iyo AL-shabab oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Kuunya Barroow

Posted: November 20, 2019 at 9:07 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Mareykanka iyo dhaq dhaqaaqa AL-shabaab ayaa ka hadlay duqeyn shalay gelinkii dambe ka dhacay degaanka Kuunya barrow ee Gobolka Shabeellaha hoose.

War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerarka ka dhacay Kuunya Barroow lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab kaas oo aysan magaciisa sheegin.

Dhinaca AL-shabaab oo iyana ka hadashay duqeyntaas waxaa ay sheegeen in weerarkaas lagu dilay qof shacab ah oo laga garanayay degaanka.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegaya in qofka la dilay ee ku dhintay duqeynta lagu magacaabo Ismaaciil,kaas oo ahaa sida ay sheegeen Ganacsade caan ka ahaa degaanka Kuunya Barroow.

Dowladda Mareykanka oo had iyo jeer dafirta in duqeymaha ay geysato aysan ku dhiman dad rayid ah ayaa waxaa arrintaas cambaareeyay Hay’adda Amnesty International oo sheegtay in Mareykanka uu dad shacab ah ku dilo duqeynta oo ka fuliyo Soomaaliya.