Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Mareykanka oo beeniyay duqeyn la sheegay in uu ka geystay Soomaaliya
Dowladda Mareykanka ayaa iska fogeysay Warbixinno ku saabsan weerarro 25kii ilaa 26kii Bishan August ka dhacay Soomaaliya oo la sheegay in ay ka dambeysay.
War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in wararka ay baahiyeen warbaahinta guduhu aysan ahayn kuwo xaqiiqda ku saleysan.
“Waa siyaasaddeenna inaan shaacinno warbixinnada la xiriira weerarrada aanu ka geysanno Soomaaliya,iyo meelaha kaleba,waxaan ku baahinnaa Website-keenna iyo barteenna Twitter-ka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika.
Todobaadkan ayaa qaar ka mid ah Warbaahinta gudaha waxaa ay qoreen weerarro Ciidamada Mareykanka ka gesyteen Gobollada Jubooyinka ee Koofurta Soomaaliya.
Al-shabaab ayaa dhinaceeda sidan oo kale dhowr jeer beenisay in wax weerar ah ka dhaceen Gobollada Koofureed ee dalka oo duqeyn ah.
Recent Comments