Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Mareykanka oo Ciidan cusub u soo diraya Soomaaliya
Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo ka socda dalkaas loona soo dirayo Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab.
Ciidanka Mareykanka ee ku soo wajahan Soomaaliya ayaa laga soo sagootiyay Saldhigga Gobolka Oregon ee dalka Mareykanka.
Waxaa ay Ciidamadan tiradooda gaareysaa ilaa 450 Askari oo ka mid noqonaya Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa waxaa laga dejin doonaa dalka Jabuuti waxaana kaddib loo soo wareejin doonaa Soomaaliya sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Mareykanka.
Waxa ay qeyb ka noqonayaan howlgalka u adkeysiga xorriyadda ee uu Mareykanka ka wado Soomaaliya.
Ciidamada Mareykanka ee ku soo wajahan Soomaaliya ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin guutada 186aad ee Ciidanka lugta dalka Mareykanka.
Paula Adams , oo ka mid ah Waaliddiinta Askarta ka loo soo dirayo Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay howlgalka uu ku biiray wiilkiisa,waxaa kale oo uu rajo wanaag u muujiyay Ciidamada qeybta ka ah howlgalkaas.
Tobanka bilood ee soo socota ayey ka howlgeli doonaan Soomaaliya waxaana beddelaya qeyb kale oo uu Mareykanka u diyaariyay Afrika.
Al-shabaab ayaa 30kii September weerar ku ekeeyey Garoonka diyaaradaha Balli doogle ee Gobolka Shabeellaha hoose halkaas oo ciidamada Mareykanka ah ay ku leeyihiin saldhiggooda ugu weyn kuna tababaraan Ciidamada DANAB ee Soomaaliya.
Al-shabaab waxaa ay sheegeen in weerarkaas ay ku dileen 121 ka mid ah Ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa Balli Doogle hayeeshee dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerarkaas islamarkaana ku dileen 10 ka mid ah Al-shabaab.
Recent Comments