Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Mareykanka oo ka hadlay duqeyn uu ka geystay Soomaaliya

Posted: November 13, 2019 at 8:56 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Mareykanka ayaa war ka soo saartay duqeyn ay ka fulisay Gobolka Jubada dhexe ee Koofurta Soomaaliya.

Wra ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa sheegay in duqeynta ay ka geysteen Magaalada Jilib shalay oo ay Taariikhdu ahayd 12ka Bisha.

Weerarkaas ayaa lagu sheegay in lagu dilay hal qof oo ka tirsan AL-shabaab,kaas oo warbixinta lagu daray in uu xiriir toos ah la lahaa ururka Al Qaacidda.

Mareykanku ma sheegin magaca qofka lagu dilay weerarkaas waxaase ay sheegeen in weerarka uu qeyb ka ahaa dagaalka lagu joojinayo xorriyadda dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ee Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay ku amaantay dowladda Soomaaliya in ay horumar ka sameyneyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in weerarkaas aysan ku dhiman dad rayid ah islamarkaana aysan ku dhaawacmin.

Hay’adaha u dooda Xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka in duqeynta uu Soomaaliya ka wado ay ku dhintaan dad rayid ah hayeeshee ay dowladda Mareykanka qariso khasaaraha dadka rayidka ah.