Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Mas’uuliyiin ka tirsan G.Hiiraan oo ka badbaaday Doon kula degtay Beledweyne
Magaalada Beledweyne waxaa ay saaka Doon kula degtay Duqa Degmada Beledweyne, Guddoomiyihii hore ee Gobolka iyo 20 qof oo kale.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/Fitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in isaga iyo Duqa Degmada Beledweyne Safiyo Xassan Sheekh Cali Jimcaale, iyo dad kale oo 20 ku dhow ay Doon kula qallibantay gudaha Magaalada islamarkaana isaga, Duqa iyo injineero la socday ay badqabaan.
Waxaa kale oo uu sheegay in dadka kale uusan ka war heyn islamarkaana uu arkayay dad guryaha iyo geedaha isku dayaya in ay qabsadaan markii ay Doonta qallibantay.
Ilaa hadda ma jiro khasaare rasmi ah oo ka dhashay Doonta mas’uuliyiinta iyo dadka rayidka ah la qallibantahay.
Magaalada Beledweyn ayaa waxaa saameeyay Fatahaadda Wabiga Shabeelle,waxaana Hay’adda UNOCHA ay shaacisay in dad ku dhow Nus Malyuun qof ay ku barakaceen Fatahaadaha Wabiga.
Dowladda Soomaaliya ayaa shalay Magaalada Beledweyne geysay diyaarado gargaar u waday dadka dhibaateysan.
Recent Comments