Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Mas’uuliyiin Lagu Diley Balcad, Shabellaha Dhexe

Posted: November 13, 2019 at 9:07 am   /   by   /   comments (0)

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in halkaas xalay lagu dilay Guddoomiye iyo ku xigeenkiisa.

Labada qof ee la dilay ayaa la sheegay in ay mas’uuliyiin ka ahaayeen degaanka Cadayga oo ku yaalla duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeella dhexe.

Magacyada mas’uuliyiinta la dilay ayaa waxaa lagu kala sheegay;  Cabdulle Xasan Xaaji Guddoomiye iyo ku xigeenkiisii Cilmi Qooje Xasan.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Degmada Balcad ayaa xaqiijiyay in weerarka xalay ka dhacay Cadayga lagu dilay guddoomiyihii iyo ku xigeenkiisii degaankaas.

Koox ka tirsan AL-shabaab ayaa wararku sheegayaan in ay weerarkaas geysteen xalay islamarkaan dileen Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisii degaanka Cadayga.

Al-shabaab oo weerarka Cadayga ka hashay ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku sugnaa Bar koontarool ay weerareen halkaasna ku dileen Askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya.