Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Maxaa Kasoo Baxay Kulankii Axmed Madoobe Iyo IGAD?
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xalay ay is arkeen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cali Guyo.
Fadhiga labadaan mas’uul waxa ay kaga wada hadleen arrimaha Doorashada Jubbaland iyo Cabashada Musharixiinta intooda badan kasoo yeertay.
Wararku waxa ay sheegayaan in Wakiilka IGAD ee Soomaaliya uu Madaxweyne Axmed Madoobe ka dhageysatay warbixin guud oo ku saabsan Xaaladda Jubbaland, Doorashada, Cabashada Musharixiinta iyo xiriirka aan wanaagsaneen ee kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka.
Ilo wareedyo ku sugan Magaalada Kismaayo waxa ay sheegeen in Madaxweyne Axmed Madoobe uu ka dhega fureystay ashtakada Musharixiinta oo ay sheegeen in uu culeys saaray.
Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cali Guyo waxa uu soo jeediyay in Ururkooda ay goobjoog ka ahaadaan Doorashada, isla markaana ay dhageysan doonaan cid waliba oo cabasho qabta.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku qaadacay Wakiilka IGAD in ay si dhaw ula socdaan Doorashada, isla markaana ay u madax banaan yihiin guddiga uu horay u magacaabay ee Doorashada qaabilsan.
Fadhi kale ayay u balameen maanta in ay wada yeeshaan Madaxweynaha Jubbaland iyo Wakiilka IGAD Arrimaha Soomaaliya.
Isla maanta wafdigaan waxa ay qaabilayaan Guddiga Doorashada Jubbaland, Musharixiinta, Odoyaasha dhaqanka ee Soo xulaya Baarlamaanka Cusub iyo dhinacyo kale.
Recent Comments