Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Maxay Ka Wada-hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Thabo Mbeki?

Posted: July 22, 2019 at 7:24 am   /   by   /   comments (0)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay kulan la qaatay wafdi sare oo ka socda Midowga Afrika, isla markaana uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika, waxa uu kala hadlay Xaalada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay muhiim u tahay isku xiranka Afrika iyo Bariga Dhexe, isla markaana ay dhacdo Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Waxa uu intaa ku daray in Soomaaliya kaalin muuqata ay ku leedahay dadaalada kala duwan ee socda, mustaqbal wanaagsan uu u ifayo Shacabka Soomaaliyeed.

Dadaalo kala duwan ayuu tilmaamay Madaxweynaha Soomaaliya in uu dalka ka socdo, si dib loogu soo celiyo maamuuskii Soomaaliya ay ku lahayd Caalamka intiisa kale.

“Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.”

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa sheegay in doorka Dowladda Soomaaliya ay ka qaadanayso arrimaha Geeska Afrika iyo goobta istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu ay horseedayso in aan xarun weyn u noqonno diblomaasiyadda iyo ganacsiga Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Koofur Afrika, haatanna ah Madaxa Guddiga Sare ee Latalinta Midowga Afrika Mudane Thabo Mbeki ayaa dib u milicsaday sooyaalka dalkeenna iyo maqaamkii aynu ku lahayn Qaaradda Afrika iyo caalamka, isaga oo ka sheekeeyey doorkii hormuudnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay taageeridda dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka dalalka Afrika.

“Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh.”

Munaasabadda waxaa ka qayb-galay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.