Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Maxay Puntland Ka Tiri Dagaalkii Ka Dhacay Garoowe?
Taliska Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadlay is rasaaseyn xalay fiidkii ka dhacday Magaalada Garowe oo sababtay dhimashada afar qof iyo dhaawac tiro kale.
Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ilaalada xarunta Baarlamaanka Puntland iyo Ciiidan kale oo doonayay in ay xaruntaas kala wareegaan.
Taliyaha Booliska Puntland Jeneraal Muxiyaddiin Axmed Muuse ayaa sheegay in dagaalkaas uu u dhaxeeyay Ciidan Beeleed iyo Booliska ilaaliya amniga xarunta Baarlamaanka Puntland.
Afarta qof ee ku dhimatay ayaa saddex ka mid waxaa ay yihiin dhinacyadii dagaallamay halka qofka kale uu yahay Ganacsade lagu magacaabi jiray Cabdixakiim Maxamed Faarax (Dhagaweyne) oo goob ganacsi ku lahaa agagaarka xarunta Baarlamaanka.
Ciidamada isku dhacay ayaa waxaa qeybta weerarka qaadday lagu sheegay in ay ka amar qaataay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo uu mooshin ka dhan ah yaallo Baarlamaanka.
Taliyaha Booliska Puntland ayaa sheegay in Ciidan beeleedkii weeraray xarunta laga saaray islamarkaana arrinta hadda lagu soo celiyay sidii ay horay u ahayd.
Recent Comments