Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Riddey
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xukun Xabsi ah ku ridday 3 qof oo lagu soo eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab islamarkaana qaabilsanaayeen Miino aasidda.
Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay si gaar u qaabilsanaayeen aasidda miinooyinka lagu qarxiyo gawaarida gaar ahaan deegnnada bariga ku teedsan ee Caasimadda.
Maxkamadda Ciidamada ayaa labada eedeysane ee kala ah; Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey) iyo CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) ku xukuntay 15 Sano oo Xabsi Ciidan ah halka Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) lagu xukumay 5 sano oo xabsi Ciidan ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Nuur SHuute ayaa ku dhawaaqay Xukunka waxaana uu intaas ku daray in xukunkan uu leeyahay Racfaan muddo 30 cisho gudahood ah.
Recent Comments