Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Maxkamadda Ciidanka oo xukun ku ridday 9 qof

Posted: November 5, 2019 at 8:22 am   /   by   /   comments (0)

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku ridday sagaal qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab.

Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira), Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow (Fiildher), Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale (Maanka), Saafi Ciise Aweys Arwaax, Yaasiin Maxamed Axmed Abtidoon (Ejey), CabdiShakuur Cali Maxamuud (Shakra), Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye (Gaabow), CabdiKhadar Mire Axmed Faarax iyo Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar ayaa lo heystaa in ay ka midyihiin qeybta Amniyaadka ee Al-shabaab.

Saraakiisha Maxkamadda ayaa sheegay in xubnahan ay gacanta Ciidamada dowladda galeen 14kii bishii 3aad ee sanadkan 2019ka.

Saafi Ciise Arwaax 2018 Alshabaab ayay ku biirtay waxa ay aheyd kala gudbiyaha hubka fudud oo ay Alshabaab ku howl-galaan, waxa ay sheegtay in ay ugu yeertay ku biirista Al-shabab haweeney ay daris la ahayd oo ninkeedu ku geeriyooday Qarax uu farsameynayay, duruufa kala duwan oo ay kamid ahaayeen in laba nin kala tageen ayay ku sheegtay in ay ugu biirtay kooxda, xaafada badan oo cirifyada magaalada jira ayay u kala gudbin jirtay Bistooladaha, Bamka gacanta laga tuuro, qoryaha fudud sida AK-47 iyo suumanka qaraxyada, waxa ay sheegtay Saafi in xiriiriyaha shabakaddan uu ka hagayay banaanka magaalada gaar ahaan Mubaarak.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa waxaa uu xukunkooda u qornaa sidan;

Garsoorayaasha oo dhageysi kiiskan waqti badan geliyay ayaa ku kala xukumay sagaal eedeysane:- Axmed Cabduqaadir Axmed Xabsi Daa’in, waxa ay sidoo kale Maxkamadda kuwada xukuntay min Shan iyo Toban (15)-sano 1-Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale, 2- Saafi Ciise Arwaax, 3-Yaasiin Maxamed Abtidoon, 4- CabdiShakuur Cali Maxamuud iyo Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye, halka ay Maxkamadda min Sideed (8)-sano ku kala xukuntay:- 1-Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow iyo 2-Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar.

Maxkamadda ayaa amartay in la sii daayo CabdiKhadar Mire Axmed hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto, sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqday in xukunkaasi racfaan leeyahay kuna qaadan karaan muddo 30 cisho gudahood ah.