Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Maxkamadda Ciidanka oo xukun ku ridday raggii loo heystay weerarkii Guriceel
Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku ridday laba Nin oo loo heysto in ay xubno ka yihiin Al-shabaab.
Labada Nin oo Maxkamadda ay kiiskooda shalay dhegeysatay ayaa waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in,waxaana lagu eedeeyay in ay galeen Dambiga lagu eedeeyay.
Maxamuud Cabdi C/Raxmaan iyo Cali Dhubbad Nuurre Siyaad ayaa waxaa ay Maxkamadda ku xukuntay xabsi daa’in.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in uu racfaan leeyahay.
Labada Nin ayaa midkood oo ah Maxamuud la qabtay 23kii May isaga oo ay ku xiranyihiin walxaha qarxa islamarkaana doonayay in uu isku qarxiyo goob ay hoggaanka Ahlu Sunna wada fadhiyeen oo ku taalla Magaalada Guriceel.
Recent Comments