Newsletter subscribe

Arrimaha Siyaasada

Maxkamadda Racfaanka Nugaal Oo Go’aan Ka Gaartay Kiiska Caasha Ilyaas

Posted: June 30, 2019 at 7:26 am   /   by   /   comments (0)

Maxkamadda racfaanka ee gobolka Nugaal ayaa maanta oo Axad ah waxa ay xukun dil ah ku riddey Saddex qof oo ku eedeysnaa dilka iyo kufsiga Caasha ilyaas oo ahayd gabar yar oo 12-sano jir ah.

Maxkamadda derajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa 12-kii bisha May 2019 waxay raggan ku riddey xukun dil ah, balse waxa ay kasoo qaateen racfaan.

Doodda maxkamadda oo qaadatay wax ka badan Todobaad, ayaa ugu dambyen qareenka maxkamadda racfaanka gobolka Nugaal wuxuu ku dhowaaqay in ay ku raaceen xukunkuu maxkamadda derajada Koowaad, kaasi oo ah dil toogasho ah.

Ragga la xukumay ayaa kala ah:

  1. Cfitaax Craxmaan Warsame oo 34-sano jir ah
  2. C/salaam C/raxmaan Warsame oo 24-sano jir ah
  3. C/shakuur Maxamed Dige oo 43-sano jir ah

Kiiskan ayaa hadda u gudbi doona si kama dambeys ah maxkamadda sare ee gobolka nugaal, waxaana lagu dhaqmi doonaa go’aanka kama dambeysta ah ee kasoo baxa maxkamaddaasi.

Caddeymaha ay maxkamadda darajada Koowaad horey usoo bandhigtay waxaa ka mid ah dheecaanno laga qaaday raggan, iyadoo lasii daayey 10 ruux kale oo kiiskan ku eedeysnaa.

Caa’isha Ilyaas ayaa ku nooleyd magaalada Gaalkacyo, waxaana raggan loo haystaa iney qafaasheen gabadhan, kufsadeen, kadibna ay si naxariis darro ah u dileen.

Dhacdadan ayaa noqotay mid aad u gilgishay Soomaalida, iyadoo Puntland laga dalbaday cadaalad.

Maandeeq

Muqdisho, Somalia