Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Maxkamadda sare ee Mareykanka oo aqbashay xayiraadda Trump ee ka dhanka ah Muslimiinta
Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa ogolaatay amar ka soo baxay Madaxweynaha Mareykanka kaas oo dadka ka soo jeeda Soomaaliya iyo dalal kale ka mamnuucayay in ay galaan Mareykanka.
Maxkamadda sare ayaa sheegtay dib u eegis ay ku sameeysay go’aanka Trump uu dadka inta badan ka soo jeeda lix dal oo Muslimiin ah kaddib ku raacday in la dhaqangeliyo amarka Trump.
Maxkamadaha hoose ee dalka Mareykanka ayaa wali dadaal ugu jira in amarka Trump la jebiyo islamarkaana uusan dhaqan gelin.
Sidoo kale Maxkamadda sare waxaa ay sheegtay in go’aankeeda ay ku ayidday Trump uusan ahayn mid kama dambeys ah.
Waxaa ay sheegtay in waaxda garsoorka,iyo Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay racfaan ka qaadan karaan kaddibna dood kale ka geyn karaan.
Trump ayaa amarkan ay hadda Maxkamadda ansixisay soo saaray Bishii September,waxaana lagu beegsanayay lix dal oo dadka ka soo jeeda ay Muslimiin u badanyihiin.
Waddamadaas ayaa waxaa ay kala yihiin; Chad, Iran, Libya, Somalia, Syria iyo Yemen,waxaana uu Trump ku eedeeyay in ay caqabad ku yihiin amniga Mareykanka.
Recent Comments