Featured, Arrimaha Siyaasada
Maxkamadda sare ee Puntland oo dil ku xukuntay raggii loo heystay dilka iyo kufsiga Caaisha
Maxkamadda sare ee Maamulka Puntland ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaartay kiiskii la xiriiray Caasha Ilyaas Aadan oo Bishii February ee sanadkan lagu dilay magaalaada Gaalkacyo.
Ragga dilka lagu xukumay oo saddex ah ayaa waxaa ay xukunna noocan ah kala kulmeen Maxkamadaha darajada 1aad iyo racfaanka Puntland, waxaana ay ka qaateen racfaan.
Maxkamadda sare oo ay racfaanka u qaateen ayaa maanta go’aankooda ku raacday labada maxkamadood ee kala ah darajada 1aad iyo racfaanka.
Saddexda Nin ee xukunka dilka ah ay ku ridday Maxkamadda sare ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay kala yihiin;.
1- Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame
2- Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame
3- Cabdishakuur Maxamed Digge
Recent Comments