Featured, Arrimaha Siyaasada
Medeira oo bogaadiyay howlgallada Ciidamada Xoogga Dalka
Madaxa AMISOM ee Soomaliya, danjire Farncisco Madeira ayaa bogaadiyay howlgallada ciidamada xoogga dalka ay dib ugu xoreynayaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Mar uu hadal ka jeedinayay gabagabada kulan looga hadlayay qorshaha ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayuu sheegay in ciidamada Soomaaliyeed ay naftoofda u hureen sidii ay uga adkaan lahaayeen al-Shabaab.
“firfircoonida ciidamda Soomaaliya ay ka muujiyeen dagaallada ay la galayaan Shabaab waxay suuragalinaysaa in horay loo tallaabsado waana arrin mudan in si weyn loo dhiiri geliyo” ayuu yiri Madeira
Madeira ayaa sidoo kale ammaanay dadaallada xukuumadda Soomaliya iyo beesha caalamka ay ugu jiraan sidii dowladda Soomaaliya ay u hanan lahayd gacan ku heynta dalka.
Danjiraha waxa uu hoosta ka xarriiqay in Midowga Afrika uu ku howlanyahay fulinta istiraatijiyadda ay u dajiyeen ka bixitaanka Soomaaliya waxa uu carrabaabay in tallaabooyinkii ay ciidamada AMISOM qaadeen ay muujinayaan in ay ku socdaan waddo hagaagsan.
Sida ku cad qorshahan AMISOM waxaa looga fadhiyaa in si ay u suuragasho in ay dalka ka baxaan ay ka shaqeeyaan sidii masuuliyadda ammaan ee dalka ay ugu wareejin lahaayeen ciidamada Soomaaliya marka la gaaro 2021-ka.
Recent Comments