Featured, Arrimaha Siyaasada
Mid Ka Mid Ah Dadkii Lagu La’aa B/weyne Oo Meydkiisa La Helay
Wararka saaka laga helayo Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in la helay mid ka mid ah meydka dadkii ay shalay la degtay Doonta ee Gobolka Hiiraan.
Shariif Xasan oo ahaa Ganacsade sidoo kalena ahaa aqoon yahay ayaa ka mid ahaa dadka Doonta la socday,waxaana saaka Meydkiisa laga helay Degaanka Shabeelow ee duleedka Magaalada Beledweyne.
Doonta shalay degtay waxaa la sheegay in ay la socdeen dhowr iyo labaatan qof,waxaa la soo badbaadiyay 14 qof iyada oo sideed qof oo uu ka midyahay Shariifna la raadinayay.
Dadka kale ee doontaas saarnaa waxaa ka mid ahaa lataliyihii dhinaca Haweenka ee Madaxweynaha Hirshabeelle Dahabo Axmed oo iyada iyo 6 qof oo kale aan ilaa hadda lahayn raq iyo ruux.
Wali waxaa magaalada ka socda gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen Fatahaadaas ee qaarkood geedaha dul saaranyihiin.
Howlgalka gurmadka ayaa xooggiisu waxaa uu billowday shalay markii mas’uuliyiin iyo dad rayid ah doon ay la socdeen qallibantay,qaarkoodna la badbaadiyay halka kuwo kalena la raadinayo.
Dowladda Soomaaliya ayaa baaq u dirtay beesha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed si loogu gurmado shacabka at saameeyeen Fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabelle.
Recent Comments