Featured, Arrimaha Siyaasada
Midowga Yurub oo ka hadlay Askartii Burundi looga dilay Shabeellaha dhexe
Ururka Midowga Yurub ayaa ka hadlay weerarkii Sabtigii ka dhacay degaanka Gololey ee duleedka Degmada Balcad halkaas oo lagu dilay in ka badan 10 Askari oo u dhashay Dalka Burundi.
Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, ayaa sheegay in isaga oo ka wakiil ah Midowga Yurub uu ka tacsiyeynayo weerarkaas islamarkaana ka xunyahay waxa dhacay.
Nicolas Berlanga, ayaa sheegay in uu si gaar ah ugu tacsiyeynayo qoysaska iyo ehelka ay ka baxeen Askartaas oo uu sheegay in ay naftooda u hureen sidii nabad looga dhigi lahaa Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu tacsi u diray Dowladda Burundi oo ciidankeeda ku dhinteen dagaal ay Al-shabaab kula galeen Gobolka Shabeellaha dhexe halkaas oo lagu dilay 12 Askari.
Dowladda Burundi ayaa Axaddii sheegtay in 12 Askari uga dhinteen Weerarka Al-shabaab ee ka dhacay Gololey sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 6 Askari oo kale.
Dowladda Burubdi ayaa sanadkii hore aad u diidday markii 1,000 ka mid ah Ciidankeeda laga saarayay Soomaaliya waxaana ay xilligaas ku doodeysay in Askarteeda haddii lakala dhimo ay adkaaneyso in ay guul ka gaaraan Dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab ee ay ka wadaan Gobolka Shabeellaha dhexe.
Recent Comments