Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Mooshin Laga Diyaariyey Dowladda Kenya
Qaar ka mid ah XIldhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa diyaariyay mooshin Ciidanka Kenya dalka looga saarayo.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa iyo XIldhibaan Cabdi Shire Jaamac ayaa waxaa ay sheegeen in XIldhibaannada ay dhameystireen Mooshin ka dhan ah dowladda Kenya.
Xildhibaannada ayaa sheegay in Mooshinkaas golaha shacabka la horgeynayo Golaha shacabka marka uu fadhiga Baarlamaanka Bisha September ee soo socota.
Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in Mooshinka ay saxiixeen Xildhibaanno ku filan islamarkaana fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya lala sugayo .
Mooshinkan ayey sheegeen in uu daba socdo go’aan Golaha Baarlamaanka Kenya ay u gudbiyeen Xukuumadda Kenya oo ahaa in Biyaha Soomaaliya ee ay Kenya xoogga ku dooneyso laga difaaco SOomaaliya islamarkaana ciidanka Kenya la geeyo halkaas.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in uusan daba dhiganeyn Xidlhibaan Aadan Barre Ducaale laakiin sida uu hadalka u dhigay Soomaaliya aysan marna aqbaleyn damaca Kenya.
Kenya ayaa si toos ah ugu lug leh arrimaha doorashada Soomaaliya gaar ahaanna dowlad Goboleedka Jubaland oo ay taageersan tahay Axmed Madoobe.
Recent Comments