Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Musharraxiinta Jubbaland Oo Shuruud Ku Xiray Ka Qeybgalka Doorashada

Posted: August 7, 2019 at 5:50 am   /   by   /   comments (0)

Musharrixiinta u tartamaya xilka doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland ayaa shuruud ku xiray ka qeybgalka doorashada dhaceysa 24ka bishan.

Musharrixiinta oo shalay la kulmay wafdi ka socday Urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay in doorashada ay ka qeybgelayaan marka Axmed Madoobe ogolaado shuruudaha ay wataan sidoo kalena uu aqbalo isbeddel lagu sameeyo Guddiga doorashada.

Qodobada ay soo bandhigeen musharrixiinta oo gaaraya ilaa toban qodob ayaa waxaa ka mid ah;

In la bedelo guddiga haatan ee doorashooyinka kaasi oo “ku dhisan qaab sharci darro ah un adeegaya danaha madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Axmed Madoobe”.

In lasoo magacaabo guddi doorasho oo cusub, sidda uu qabo dastuurka, kaasi oo aanan lahayn wax xad ah, isla markaana raacaya geedi u socodka daruuriga ah ee loo baahdo.

In odayaasha “saxda ah” ay soo xulaan mudaneyaasha cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Jubbaland, maadaama ay shaki ka muujiyeen kuwa haatan.

In kaliya hal murashax loosoo xulo baarlamaanka cusub, maadaama waqti xaadirkan uu maamulka soo rogay in saddex xubin ay soo xulaan odayaasha kadibna guddiga uu mid kala baxayo.

In doorashada uu maamulo guddi baarlamaani ah

In doorashadda lagu qabto goob dhex-dhexaad ah sidda xarunta Qaramada Midoobay

In ciidamada AMISOM ay sugaan ammaanka goobta ay ka qabsoomeyso doorashadda xitaa amniga murashaxiinta

In dowladda federaalka ay goobjoog ka noqoto doorashadda

In korjoogto caalami ah ay kasoo muuqan madasha ay ka qabsoomeyso coddeynta

In warbaahinta caalamka iyo tan maxaliga ah ay sidoo kale door ku yeeshaan tabinta

Qodobada ay miiska soo saaran murashaxiinta kasoo horjeeda Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya iyadda oo bisha August loo balansan yahay doorashadda ayna haatan socoto soo xulista Xildhibaanada cusub.