Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Muuse Biixi oo u safray Jabuuti

Posted: September 3, 2019 at 10:38 am   /   by   /   comments (0)

Madaxweynaha Maamulka Somaliland  Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Safarka Madaxweynaha Somaliland oo ah mid shaqo oo qaadan doona muddo kooban ayaa isla maanta markay gaaraan dalka Jabuuti weftiga madaxweynuhu waxay si rasmi ah u gudo-geli doonan hawlaha shaqo ee ay dalkaasi u tageen.

Ujeedada safarka madaxweynuhu wuxuu daaran yahay xoojinta xiriidhka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya   Maamulk Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaaya wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhiga ,  xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga.