Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Muwaaddin Soomaali ah oo lagu maxkamadeynayo Mareykanka

Posted: September 5, 2019 at 6:32 am   /   by   /   comments (0)

Dalka Mareykanka waxaa ka billaabaneysa Maxkamadda Cilmi Saciid oo ah Muwaaddin Soomaali ah kaas oo horay u dilay Muwaaddin kale oo Soomaaliyeed.

Wareeggii hore ee Maxkamadeynta Cilmi ayaa ku soo maxday Magaca C/Qaadir Shariif, hayeeshee baaritaan lagu sameeyay kaddib Cilmi uu sheegay magaciisa saxda ah.

Cilmi ayaa horay u dilay Guuleed Nuur oo ay isku qol degganaayeen waxaana uu dilkiisa u adeegsaday Middi sida laga sheegay Maxkamadda.

Garsooraha Maxkamadda qaadeysa Dacwadda Cilmi ayaa sheegay in darajada dilka ah ee uu Cilmi geystay ay tahay midda 2aad, islamarkaana dacwadda sii soconeyso.

Qareenka difaacaya Cilmi oo lagu magacaabo BRIAN BUCKMEIER, ayaa ku dooday in dilka Cilmi uu geystay uu ahaa mid ku yimid is difaacid kaddib markii uu weerar kala kulmay Guuleed Nuur oo ah qofka dhintay ee ay isku qolka degganaayeen.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya wixii ka dhacay qolka ay wada degganaayeen Guuleed iyo Cilmi habeenkii uu dilka Guuleed dhacayay.

Muuqaalka ayaa muujiyay Guuleed Nuur oo dabaqa hoos uga dagaya iyo  Cilmi uu weerar ku ah islamarkaana sababay ilaa uu dhulka ku dhacay kuna dhintay Isbitaalka.