Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Muxuu Madaxweyne Muuse Biixi Kala Kulmay Guinea?
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa gaaray dalka Guinea halkaasi oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay.
Mas’uuliyiin ka tirsan Guinea ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey madaxweyne Biixi iyo wafdigii la socday, iyadoo intaasi kadib halkaasi diyaarad Helicopter ah looga qaaday.
Waxaa la geeyey Hoteel gaar ah oo loogu talogalay, iyadoo maantana uu si rasmi ah u guda geli doono ulajeedka safarkiisa.
Sidey ogaatay Maandeeq.net, wuxuu madaxweyne Biixi la kulmi doonaa madaxda sare ee Guinea, isaga oo kala hadli doono xiriirka Somaliland iyo dalkaasi.
Waxaa laga yaabaa inuu soo hadal qaado madaxweynaha arrinta ku aaddan qadiyadda gooni isku taagga Somaliland.
La soco wixii soo kordha
Maandeeq
Muqdisho, Somalia
Recent Comments