Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada, Warbiximaha Gaarka Ah
Muxuu soo kordhiyey Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya?
Dastuurka kmg ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la ansixiyey 2012 ayaa xeeriyey in Nidaamka xeerdejinta Soomaaliya uu noqodo laba gole (Bicameral system) oo kala ah golaha Shacabka iyo Aqalka sare, hayeeshee 4 sano kaddib muddada la ansixiyey dastuurka kmg ah ayuu aqalka sare kusoo biiray hannaanka xeerdejinta Soomaaliya, haddaba muxuu Aqalka sare kusoo kordhiyey dhismaha dowladnimada Soomaalia?
Tirada xubnaha Aqalka sare & Qoonadiisa Miisaaniyadda
Sida kuxusan qodobka 72aad ee dastuurka kmg ah tirada xubnaha aqalka sare ee Soomaaliyada cusub waa 54 xildhibaan oo lagu saleeyey goboladii 1991.
Qoondada Miisaaniyaddii 2017 waxa uu ku lahaa lacag kabadan 3 Milyan oo dollar ,2018na qoondada miisaaniyaddiisu waxa ay ahayd lacag kudhow 4Milyan oo dollar! Aqalka sare ayaa miisaaniyadda 2019 waxa laga siiyey qoondo dhan 4,103,520 (Afar milyan boqol & saddex kun, shanboqol & labaatan dollar) Dadka kafaallooda nidaamka xeerdejinta labada gole oo ay Soomaaliya qaadatay ayaa qaba in Xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood ay kumilmeen xukuumadda si ay u xaqiijiyaan danahooda shaqsiga, qaar kalana ay yihiin mucaarad kukacsan xukuumadda halka inta kalana ay u qaybsan yihiin kuwo aan waxa socda waxbala socon iyo kuwa guud ahaan dalkaba kaqaman.
Metelaadda Aqalka sare & Mas’uuliyadda xeerdejinta
Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, waxa uu masuuliyadda xeerdejineed lawadaagaa golasha shacabka sida:
- Ka qayb qaadashada wax ka beddelidda Dastuurka,
- Ansixinta, wax ka beddelidda iyo diidmada sharciyada la horkeeno,
- Eegidda sharciyada loo igmadey
- Hirgalinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaaday Dastuurka si loo hubiyo dhaqangalin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka;
- Ka qayb qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay’adaha Dawladda
(i) Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka;
(ii) Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah;
(iii) Xubnaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka;
(iv) Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta;
(v) Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka.
Inkasta oo dastuurka kmg ah dhigayo in Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku uu matalo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka haddana taasi ma dhaafsiisna qodob kamid ah dastuurka qoraal ahaan hayeeshee aan ficil ahaan uga shaqeyn aqalka sare.
Dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada qaarkood waxaa u dhexeeya khilaaf sababay in xiriirku xumaado hayeeshee aqalka sare illaa hadda kuma guuleysan in uu hagaajiyo islamarkaana joogteeyo xiriirkaas
Xeererka uu Ansixiyey Aqalka sare
Aqalka sare muddo kudhow 3 sano oo uu kamid yahay hannaanka xeerdejinta Soomalaiya waxa uu ansxiyey 2 xeer oo kala ah: Xeerka dhowridda Gobanimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliyeed iyo Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, sidaas oo kalana waxa uu Ansixiyey miisaaniyaddii 2018, taas oo sababtay muran kusaabsan in dastuur ahaan Aqalka sare uusan xaq u lahayn Ansixinta miisaaniyadda, waana sababta keentay in Miisaaniyadda 2019 loo diido Aqalka sare in uu kuyeesho kaddoodid iyo Ansixin, waxaana aqalka sare horyaal xeerar ay kamid yihiin: Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa iyoKheyraadka Biyaha
Khilaafkaas ka aloosmay aqalka sare oo salka ku hayey ansixinta miisaaniyadda waxa uu gaaray heer guddoonka aqalka sare uu xusulduub u galo sidii aqalka sare ugu lug yeelan lahaa ansixinta miisaaniyadda, sidaas awgeed Warbixinta guddiga la socodka dib u eegista iyo dhaqangelinta Dastuurka ee 2016 waxa lagu xusay in xarafka (C) ee qodobka 71aad ee dastuurka KMG lagu soo daro soojeedinta awoodo dheeri ah oo uu yeelanayo Aqalka sare sida in uu golaha shacabka kala qaybgalo Ansixinta Miisaaniyadda, xilkaqaadista guddiyada iyo xafiisyada madaxa bannaan iyo ansixinta garsoorayaasha iyo xubnaha kale ee garsoorka.
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in aqalka sare uusan xaq u lahayn kaddoodidda iyo Ansixinta miisaaniyadda sida uusan xaq ugu lahayn Ansixinta iyo ridista rasialwasaaraha iyo xukuumadda sidaas awgeedna ay tahay in wixii kusaabsan miisaaniyad loo daayo golaha shacabka.
Qareeno, xildhibaano iyo xubno katirsan bulshada rayidka ayaa kudoodaya in aqalka sare ee Baarlamaanka federaalku uu dalka kusoo kordhiyey culeys dhaqaale, mid xeerdejineed iyo khilaaf ma dhaleys ah oo ay suuragal tahay in uu xayiro dejinta iyo horumarinta xeerarka taas oo saameyn xun kuyeelankarta did u dhiska iyo casriyeynta dowladda Soomaaliyeed.
Haddaba marka la isku soo xooriyo arrimahaas oo dhan Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalku ma yahay culeys dhaqaale iyo mid xeerdejineed oo kusoo kordhay dalka?
Recent Comments