Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

NISA: Waxaan Qabannay Shaqsigii Diley Xoghayihii Hore Ee G/Banaadir

Posted: August 28, 2019 at 6:50 am   /   by   /   comments (0)

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Ninkii ka dambeeyay dqaraxii dhawaan lagu dilay Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Amiin.

Hay’addu waxaa ay sheegtay in howlgal ay ka sameysay Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho ku tagtay Guriga ninkaasi ku sugnaa kana soo xirtay.

Waxaa kale oo ay Hay’addu soo bandhigtay muuqaal ay ka soo duubtay Guriga sida ay sheegtay oo ay ka muuqdeen waxyaabaha loo adeegsado qaraxyada.

Ciidamada Dowladda ayaa Habeen hore howlgalkaas ka fuliyay xaafadda Carafaad ee Degmada Yaaqshiid iyaga oo aan shaacin magaca Ninka ay soo qabteen.

Qoraalka lagu daabacay Bogga Twitter-ka ee NISA  ayaa waxaa uu u qornaa.