Featured, Arrimaha Siyaasada
Odoyaasha Gaalkacyo Oo Aqbalay Ka Qeybgalka Shirka Dhuusa-mareeb
Magaalada Gaalkacyo waxaa xalay kulan gaar ah ku qaatay guddiga dib qaban qaabada shirka u heshiisiinta Galmudug ee uu magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Odoyaasha Magaalada.
Waxyaabaha ay kawada hadleen waxaa kamid ah ka qaybgalka shirka lagu wado 5-ta bisha soo socota August lagu qabanayo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.
Gogoshaas waxaa la filayaa in ay tagaan Ergo ka kala socota 11-ka Beel ee qaybsatay Dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug.
Odoyaasha dhaqanka oo Warbaahinta la hadlay waxa ay sheegeen in ay ku qanceen warbixinta xubnaha guddiga ee ay la kulmeen.
Waxa ay intaa ku dareen in ay ka qaybgali doonaan gogosha la dhigayo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.
23-kii Bishaan waxa ay xubnaha Guddiga uu ku dhawaaqay Wasiir Sabriye waxa ay soo saareen liiska Ergada ay casuumeen 356 ruux
Recent Comments