Featured, Arrimaha Siyaasada
OIC Oo Taageero u Muujiyey Jabuuti
Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa u ballanqaaday dowladda Jabuuti in ay ku taageeri doonaan kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.
War uu soo saaray Ururka waxaa uu Waddamada Islaamka ah ee xubnaha ka ah Ururuka kaga codsaday in ay garab istaagaan dowladda Jabuuti oo tartan ugu jirta Kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha amaanka.
Dowladda Kenya oo Jabuuti kula tartameysa Kursigan ayaa waxaa ay taageero ka heysataa inta badan Waddamada Midowga Afrika.
Waddamada Aasiya iyo Latin America ayaa ah kuwa ay ku tartami doonaan codadkooda maaddaama Afrika inteeda badan iyo qaar ka mid ah Waddamada Yurub ay taageerayaan Kenya.
Waddamada Mareykanka, China, Japan iyo kuwo kale ayaa sidoo kale taageeraya dowladda Jabuuti maaddaama ay saldhig Milatari ku leeyihiin.
Waddamada ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa ay ka koobanyihiin 57 Dowladood,waxaa sidoo kale u dheer waddamada Reer Galbeedka sida France, Germany iyo kuwo kale oo reer Yurub ah oo ay Jabuuti saaxiib la tahay.
Kenya ayaa waxaa ay dadaal badan ku bixisay sidii ay codka uga heli lahayd waddamada ku dhow,waxaana Madaxweynaha Kenya uu booqasho ku tagay Waddamo badan oo uu isleeyahay waxaad ka heli kartaa codka kalsoonida.
Labada Waddan ayaa kursigan ku tartami doona Bisha September ee soo socota marka uu furmo shirweynaha Guud ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Midowga Afrika ayaa 21kii Bishan August Kenya ugu codeeyay in ay kursigaas ku matasho Qaaradda Afrika laakiin Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in aanay ka tanaasulin kursigaasi islamarkaana Golaha amaanka ugu tartami doonto.
Danjiraha Dowladda Jabuuti ee Qaramada Midoobey Maxamed Siciid Ducaale ayaa sheegay in kursigaasi uu dhexyaallo codka 193 dal oo ku jira Qaramada Midoobey Dowladda Jabuutina halkaas ka tartami doonto.
Recent Comments