Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Olole Doorasho Oo Ka Bilowday Kismaayo

Posted: August 14, 2019 at 5:51 am   /   by   /   comments (0)

Qaar ka mid ah xildhibaanada Jubbaland ee shalay la dhaariyay ayaa Magaalada Kismaayo ka bilaabay in ay kulamo kala duwan la qaataan xildhibaanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Saacaddihii ugu dambeeyay ayaa waxa soo baxayay Musharaxiinta u taagan xilka Guddoonka baarlamaanka maamulka Jubbaland oo doorashdiisa ay Magaalada Kismaayo ay ka dhici doonto maalmaha soo socda.

Sheekh Cabdi Yuusuf Cali; ayaa loo doortay in uu noqday Guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka Jubbaland, inta laga soo dooranayo Guddoon cusub.

Gudoomiyaha cusub ee ku meel gaarka ah ayaa wuxuu balanqaaday doorasho xor iyo xalaal ah, isaga oo Xildhibaanadda waydiistay in ay la shaqeeyaan.

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Jubaland si rasmi ah uguma dhawaaqin waqtiga ay qabsoomeyso doorashada Guddoonka iyo ku xigeennadiisa.

Doorashadaasi ayaa waxaa xigi doonta tan madaxweynaha oo la rajeynayo in ay qabsoonto 24ka  bishaan August ee sanadkan 2019, iyadda oo aad isha loogu hayo natiijadda kasoo bixi doonta.

Magaalada Kismaayo ee Caasimada Ku meel gaarka ah ee Jubaland oo waayadii u dambeeyey la hayd Siyaasad labo waji ah ayaa waxaa geesta kale Xubnaha isbadal doonka ay wadaan Kulamo gaar ah oo magaalada ka dhacaya.

Magaalada kismaayo ayaa shalay waxaa ka dhacay kulan ay yeesheen  musharaxiinta la magac baxay isbadal doonkaa oo ay hogaaminayaan Seerar,Xiddig iyo kuwa kale kuwaas oo sheegay in ay arinsadeen dhaarinta xildhibaanada Guddigooda doorashada shalay ay shaaciyeen.

Xubnahan oo qaarkood aynu la hadalnay ayaa inoo sheegay in magaalada ay kawadaan diyaar garowgii ugu dambeeysay ee ku  aaddan dhaarinta xubnaha xildhibaanada ay magacoowdeen.

Siyaasadaha is diidan ee kismaayo kasoo cusboonaanaya ,waxaana wali ka hadlin Dowladda  Federaalka  ee Soomaaliya waloow kol hore waraaq kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya lagu sheetgay in aan marnaba dowlada aysna aqoonsaneyn natiijo walba oo doorashada jubaland kasoo baxda.

Beesha caalamka ayaa iyana waraaq ay dhawaan u direen guddiga doorashada iyo xuduudaha jubaland kaga dalbadeen in ay soo cadeeyaan sida musharxiinta kale ee guddiga ugu kalsoonaan karaan waloow todobaadkii hore  ay ka jawaabeen guddiga.