Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
ONLF Oo Hoggaan Cusub Doortay
Ururka ONLF ee bari la dagaallami jiray Dowladda Itoobiya ayaa doortay Hoggaamiye cusub oo uu yeelanayo.
Ergooyin ku dhow 600 qof ayaa waxaa ay Magaalada Godeey uga qeybgaleen shirweynaha Ururka oo lagu qabtay Magaaladaas waxaa lagu dooranayay hoggaanka Ururka.
Guddoomiyaha Ururka ONLF waxaa loo doortay C/Raxmaan Sheekh Maadeey oo ka mid ahaa aas aasayaasha Ururka ONLF.
Maadeey waxaa uu ka guuleystay Axmed Yaasiin oo ka mid ah Ururka kulana tartamay xilka Guddoomiyaha.
Axmed Yaasiin ayaa helay 251 cod oo ka mid ahaa codadkii ay dhiibteen ergooyinka ka qeybalay shirka halka C/Raxmaan Maadeey oo loo doortay Guddoomiyaha ONLF uu helay 340 cod sida ay shaaciyeen Guddiga.
Guddoomiyaha cusub oo ka mid ahaa aas aasayaasha Ururka ayaa waxaa uu ku jiray Golaha fulinta ee Ururka ONLF.
ONLF ayaa sanadkii hore ku dhawaaqday in ay joojisay dagaalkii ay kula jirtay Itoobiya islamarkaana noqoneyso xisbi siyaasadeed kaddib heshiiskii ay la gashay Ra’isalwasaraaha Itoobiya Abiye Axmed.
Recent Comments