Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Pelosi iyo Ilhaan Cumar oo booqday Ghana

Posted: August 3, 2019 at 7:00 am   /   by   /   comments (0)

Guddoomiyaha Golaha aqalka hoose ee Mareykanka Nancy Pelosi,  Ilhaan Cumar iyo wafddi la socday ayaa booqasho ku tagay Dalka Ghana ee galbeedka Qaaradda Afrika.

Booqashada Pelosi, Ilhaan iyo 13 xubnood oo ku jira Aqalka hoose ee Mareykanka kana soo jeeda Qaaradda Afrika ayaa booqashadooda Ghana waxaa ay ku saleysneyd xuska sanadguuradii 400aad ee ka soo wareegtay markii ugu horreysay ee Afrikaan Addoonsi loo geeyay Mareykanka.

Waxaa ay  booqdeen “Albaabkii dib u soo noqosho la’aanta,  (Cape coast and Elmina Castles), kaas oo laga daabuli jiray Afrikaanka Adduunsiga loogu qaadayay Dalka Mareykanka.

Ilhaan ayaa uga faa’ideysatay safarkan farriimo ay isku difaaceysay kuna garaaceysay Trump oo dhawaan Ilhaan ku yiri “dib ugu laabo dalkii aad ka timid”.

Waxaa ay sheegtay Ilhaan in aysan kaligeed dib ugu laaban Afrika ee ay la laabteen xitaa Nancy Pelosi iyo 13 qof oo kale oo Afrikaan Ameerikaan ah.

Dagaalka Trump iyo Ilhaan ayaa waji cusub sii yeelanaya iyada oo xilliga ololaha doorashada Mareykanka ee 2020 ay durba billaabatay islamarkaana musharrixiinta Axsaabta jeedinayaan Khudbado xasaasi ah.