Featured, Arrimaha Siyaasada
Puntland Oo Guddoomiye u Magacawday Sanaag
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Puntland u qaabilsanaanaya Gobolka Sanaag.
Cali Xuseen Maxamed oo ku magac dheer Cali Soomaali ayaa waxaa uu horay u ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Somaliland,waxaana hadda xilkaas mar kale u magacaabay Maamulka Puntland.
Maxamed Cabdullahi Jaamac ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Gobolka Sanaag, haka guddoomiye ku xigeenka 3aad loo magacaabay Maxamuud Cumar Liibaan.
Ninka loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Puntland u qaabilsan Gobolka Sanaad ayaa xilka Guddoomiyaha Gobolkaasi ee Somaliland iska casilay 29kii May 2019ka.
Is casilaaddiisa kaddib waxaa uu ku dhawaaqay in uu isaga baxay Maamulka Somaliland islamarkaana ku biiray Puntland halkaas oo uu hadda ka helay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee uu Somaliland u qaabilsanaan jiray.
Recent Comments