Featured, Arrimaha Siyaasada
Puntland: Sarkaal Ka Badbaaday Qarax Gaari Loogu Xiray
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa Booliska Puntland qarax lagula beegsaday halkaas.
C/Qani Xaabuun, ayaa qarax lagu xiray Gaarigiisa waxaa uu ku qarxay Guri uu ka degganaa Magaalada Gaalkacyo.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Gaariga uu yaallay Guriga taliyaha islamarkaana xilliga uu qarxayay uu Taliyaha ka shakiyay.
Taliyaha ayaa isku dayay in uu Gaariga kala soo baxa Gurigiisa waxaana uu ka shakiyay,waxaana uu kaddib uga tagay shakigaas kaddibna sidaa ayuu ku qarxay.
C/Qani Xaabuun ayaa ah Taliyaha Saldhigga Booliska Bartamaha ee Puntland ee Magaalada Gaalkacyo.
Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa ku jiray Guriga Taliyaha oo ku yaalla Xaafadda Israac ee Magaalada Gaalkacyo.
ma jirto cid ay wax yeello ka soo gaartay qaraxa marka laga reebo burburka Gaariga gaaray.
Recent Comments